Dad Careysan oo Maanta Banaanbax ka dhigay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga horjeedo dagaal beeleedyo maalmihii ka dhacayay deegaano ku yaalla duleedka Kismaayo.

Qaar kamid ah Bulshada ku dhaqan Kismaayo oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay beerta nabada Magaaladaas, iyagoona aad uga careysnaa dagaalka sababay dhimasha iyo dhaawaca ee laba Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Dalsan ee duleedka Kismaayo.

Sidoo kale dadka dhigayay Banaanbaxa oo warbaahinta ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada beelood, iyagoona ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyan dagaalkaas.

Dhinaca kale banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay Erayo ay ku muujinayeen muhiimada ay leedahay nabada, waxaana labada dhinaca ay ka dalbadeen in si shuruud la’aan ah u joojiyaan Codaalada uu dhiiga badan ku daatay.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ka dhacayay dagaal beeleedyo, waxaana dagaalka ku dhintay in badan 25 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen,  waxaana dhaawacyada qaarkood la keenay Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media