Sawirro:-Shir looga hadlayo Cudurka Coronavirus oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah ka furmay Shirka looga hadlayo arrimo la xiriira Cudurka halista ee loo yaqaano Coronavirus  ee ka dilaacay dalka Shiinaha gaar ahaan Gobolka Wuhan.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominaya Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar, waxaana ka qeyb galaya Wasaaradaha Caafimaadka maamul Goboleedyada.

Sidoo kale Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ka hortaga Cudurka Coronavirus iyo qodobo kale oo ku sabasan Cudurkaas oo kamid ah yihiin Caalamaha lagu aqoosado.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay dhaqaatiir Caafimaad oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka maamul Goboleedyada dalka iyo kuwo Caalami ah.

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka bilowday Olole dadka kasoo degaya Garoonka looga baarayo  Coronavirus, kuwaasi oo ka yimid dalal kala duwan.

Cudurka Coronavirus ayaa siweyn uga dilaacay dalka Shiinaha, waxaana Cudurkaas Digniino Culus kasoo saaray Wadamada Caalamka, iyadoona Cudurkaas ay dad badan u dhinteen, halka kuwo kalena ay la jiifaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media