RW Xamse Barre “Waxaan ballanqaadeynaa in loo aargudo dadka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii Al-shabaab ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo waxa loogu yeero argagixiso

Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ballan-qaadayaan in loo aargudayo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka kugu baaqay inay muujiyaan dul-qaad iyo sabir, ayna Ciidamada ku garab siiyaan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa weli ka socda gurmadyo xooggan oo loo sameynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada, dadka ayaa buux-dhaafiyey Isbitaalada, si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawacyada qaba.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor