DFS iyo Imaaraadka oo ka shiray xoojinta xiriirka Baarlamaannada labada Dal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka baarlamaannada Soomaaliyo iyo Imaaraadka Carabta, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Sidoo kale Guddoomiyaha  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ammaanay doorka Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka qaadanayaan la dagaalanka Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply