Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa mudo kadib Maanta waxa uu dib ugu laabtay Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada jowhar.
Waare ayaa muqdisho uga qeybgalay shirkii Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboleedyada,waxaana Jowhar ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cusmaan Barre, Xildhibaano Wasiiro iyo Masuuliyinta Heer Gobol iyo Heer degmo ee Maamulka G/Shabeellaha Dhexe.
Xarunta Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar ayuu Warbaahinta uga Warbixiyay shirkii uu Muqdisho uga qeyb galay iyo in Maamulka Hir-Shabeelle deegaanadiisa kala duwan hay’addo uu la kulmay ay mashaariic ka fulin doonaan.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu bilaabo wadatashiyo ku saabsan qaabkii uu u magacaabi lahaa Golaha Wasiirada maamulkaas, maadaama Xildhibaanda ay mudo bil ah ugu dareen waqtigii loogu talo galay Magacaabista.