Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Faranko oo 5 KM u jirta Degmadda Jannaale ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan inay 6 qof ku geeriyootay duqeyn ka dhacday Tuulladaasi.
Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa ku eedeeyey Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ka dambeeyeen Madaafiic xalay ku habsaday labo guri oo ku yaalla Tuulladda Faranko, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dadka ku geeriyooday Duqeyntaasi ayaa kala ahaa 3 Wiil iyo 3 Haween, waxaa kaloo ku dhaawacantay 2 carruur ah, kuwaasi oo lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaasha waxay sheegeen inay Ciiddanka Burundi geysteen duqeyntaasi, ka hor intaysan ka guurin Saldhigga ay ku lahaayeen duleedka Jannaale.
Dhinaca kale, Taliska AMISOM weli wax war ah kama soo saarin Khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray Duqeynta lagu eedeynayo inay Askarta Burundi ka geysteen Tuulladda Faranko ee duleedka Jannaale.
©Radio Dalsan