Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo fasax galay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa maanta shir guddoomiyey  kalfadhiga 1aad kulankiisa 16aad, tirada guud ee xildhibaaannadda soo xaadirtay kulanka ayaa ahaa 179 .

Guddi ka kooban dhowr xildhibaan oo xaqiiq raadin u aaday xaalada Amni iyo mid nololeeed ee Gobolka Bokool ayaa warbixin looga dhageystay islamarkaasina ay sheegeen in Bulshada Gobolka Bokool ay wajahayaan Amni darro ,Abaara ba,an iyo  xaalad nololeed oo kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale magacabay labada Habdhowre ku-xigeen kuwaas oo kala ah Xil.Sahra Cabdullahi Cigaal iyo Xil.Cabaas Cali Ibrahim,  waxaana codka kalsoonida siiyey 175 xildhibaan  waxaa ka aamuustay labo Xildhibaan waxaana diiday labo Xildhibaan kale, sidaasi ayuu Guddoomiyuhu sheegay  in ay ansax ku yihiin.

Dhanka kale Xildhibaannadda ayaa doortay Guddiga korjoogteynta dib u eegista Dastuurka Dalka  Shanta xubnood ee Golaha shacabka waxaana ku guuleytay,

1- Xil. Xuseen Qasim Yusuf  Iidow

2- Xil. Maxamed Heyle Axmed

3- Xil. Yuusuf Cali Xoosh

4- Xil. Maxamed yusuf Xasan Waliid

5- Xil. Cabdullahi Carab

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa  soo xiray Kalfadhiga 1aad  ee Golaha Shacabka  waxaana uu sheegay intii ay socdeen kulamadii  Kalfadhiga 1aad in Goluhu guteen Waajibkoodii saarnaa, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay fasax laba bilood ah galayaan  islamarkaana Deegaan doorashadoodu dib ugu laabtaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor