Ingiriiska oo soo food-saartay khataro Caafimaad iyo Digniino laga bixinayo

Ingiriiska ayaa waxaa soo food-saaray khataro dhinaca caafimaadka iyo nolosha nooleyaasha badda ku jira ah, taas oo ka timid xeebta Faransiiska markii la oggolaaday in qashin sidiisa ahย  lagu aaso badda woqooyi iyo kanaalka u dhexeeya labada dal, sida ay sheegeen saddex xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub.

Digniino laga bixinayo wasaqowga ayaa laga soo saaray inta badan 50 xeeb oo ku yaalla Ingiriiska iyo Wales, kaddib markiiย  roobab xooggan ay keeneen qashin xad dhaaf ah oo loo weeciyay webiyada iyo badda.

Xildhibaano Faransiis ah ayaa ku eedeeyay Ingiriiska in uu dayacay ama ka baxay ballamadii dhinaca deegaanka, uuna qatar galinayo nooleyaasha badda ku jira iyo kalluumeysiga.

Shirkadaha biyaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in ay maalgalinayaan sidii loo xallin lahaa mashaqadan.

About Webmaster

View all posts by Webmaster