Tiro xildhibaano ah oo Maanta hadalo ka jeediyey kulanka xildhibaanada Gobolka Shacabka ayay ka mid aheyd Xildhibaanad sareedo,iyaga oo intooda badan walaac ka muujiyey xaalada amni ee dalka.
Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in qof walba meesha uu doono uu maro,hadii ay dhici weysana ay Xubinimadii xildhibaanimo ay isaga tageyso.
“Mudane Madaxweyne waxaa waajib ah in halka aan doono xurnimo ku mari karo,xabsiga aan ku jirnana aan ka baxno, hadii la waayana taasi bedelkeeda aan isaga tago xildhibaannimada Baarlamaan.
Inta badan xildhibaanadii Maanta ka hadlay kulanka Baaramaanka ayaa xukuumadda Soomaaliya waxa ay ku eedeynayeen in amniga dalka ay ku fashilantay.