Baarlamaanka Galmudug qeybta fadhigiisu yahay Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey).
Waxay sheegeen in 142 xildhibaan ay soo xaadireen fadhiga Maanta 140 ka mid ah ay kaloonida kala noqotay, midna uu uu diiday, midna uu ka aamusayâ€.
Arrintan ayaa salka ku haysa khilaafka ka dhex taagan hogaanka sare ee maamulka Galmudug oo u muuqda inuu aad u fogaaday.
Dhinacyada kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dhawaaqayey inay xilalka ka qaadeen madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa iyagana ku eedeeyey dawladda federaalka in ay faragelin ku hayso arrimaha Galmudug.
Carrabey ayaa xil ka qaadista ku tilmaamay “sharci darro”.