Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda oo u digay Ahlusunna

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kula hadlay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala ee Bulshada halkaas kunool.

Wasiir Sabriye ayaa waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay hortaagan tahay dhismaha Galmudug Cusub, isla markaana aysan aheyd sida haatan ay wax u wadaan hoggaanka Sare ee Ahlusunna.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dhaqanka ka muuqda Ahlusunna uu yahay dib u noqosho, isagoona uga digay inay Fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Ahlusunnna inay joojiso qaabka hada ay wax u wado, taasi oo uu tilmaamay inay tahay dib u noqosho.

Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka shaqeyn doonaan wanaaggii Ahlusunna iyo dowladda wax ku bilaabeen, isla markaana la xalinayo wax kasta oo tabasho ah.

Comments
Loading...