Waxaa lagu arkay  meydka qof aan la aqoonsan waxa uu yahay Xaafad ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kaas oo dadka Xaafadaas ku nool ay aad uga naxeyn.
Meydka oo aad u bararay ayaa waxaa lag helay Xaafada Masjidka Xaajiyo Culumo oo ka tirsan degmada Kaaraan,iyada oo dadka xaafadaas ay ku soo baraarugeen Meydka oo Wadada dhexdeeda la dhigay sida uu Dalsan u sheegay qofka mid ah dadka Xaafadaas.
“Haa walaal saakay ayaan xaafadeena waxaa la soo dhigay nin meyd ah oo uu jirdil ka muuqdo,walal waa xaafad u dhaxeysa Masjidka Xaaji Culumo iyo burka diikow inta u dhaxeysa,meydkana weli wuu yaalla waana la yaabanahay oo mala aqoonsan mana ogin cida dishay laakin isaga oo meesha yaalo bis ayaan aragnay ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaankaâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in jirkiisa sidoo kale lagu arkay waxyaabo dab u eg,isla markaana ay Ciidamo saakay u yimaadeen kadibna ay ka tageen.
Weli dhacdaan ah Meydka saakay lagu arkay Xaafad ka mid ah degmada Kaaraan kama hadlin maamulka degmada,iyada oo dadka deegaanka ay weli hadal hayaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga qofka Goobjooga ah.