Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ha ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, iyada oo Maanta la horgeeyay warbixin la xiriirtay Kiiskii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.
Guddiga ayaa Baarlamaanka ka hor Akhriyay baritaanadii ay ku sameeyeen kiiskii lagu dhiibay Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF.
Intaas kadib Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Warbixinta Kiiska Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax, 152 Mudane ayaa u codeeysay 6 way diiday 3  weey ka aamustay.
Guddiga ayaa Wrbixintooda waxa ay ku sheegeen in Nabad-Sugida Soomaaliya ay maareysay isla markaana aan lagala tashan Madaxda dalka.