Kontameeyo qof oo ku geeriyootay daadad ku dhuftay Indonesia iyo Dalxiisayaal Go’doonsan

Fatahaadda daadadka iyo dhul-go’ ku soo hoobtay Gobalka Baabu ee bariga dalkaasi ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 60-qof, kuna dhaawacmeen Tobanaan kale.Saraakiisha dalkaasi waxay maanta sheegeen inay in ka badan 4,000 oo qof ku barakacday daadadkaasi.

Degmadda Sentani waxaa ka socda baaritaano lagu raadinayo Dhibanayaal kale, iyadoo uu Habeenkii Sabtida ku dhuftay roob watay daadad dhiigo leh, iyadoo la sheegay in la helay maydadka 51-qof iyo dhaawaca 74-kale.

Afhayeenka Milliteriga Gobalka Babu, Maxamed Caydi waxa uu sheegay inay Ciiddanka soo badbaadiyeen wiil 5 bilood jir, oo ku hoos jiray burburka guriga waalidkiisa, waxaana loo gudbiyey Isbitaalka.Dhinaca kale, ku-dhawaad 35 Dalxiisayaal ayaa la rumeysan yahay inay ku go’doonsan yihiin Jesiiradda loo dalxiis tago ee Lombok, sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Hay’adda Masiibooyinka ee dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media