Gabadhaan ayaa waxa ay Shaqaalo ka aheyd mid ka mid ah Guraha ku yaalla degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir,waxana la sheegay in hoyga lagu dhex dilay.
Qof ka mid ah dadka Dadka deriska la ah qoyska ay Gabadha u Shaqeyneysay ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in Gabadha jirkeeda uu ka muuqdo jirdil xoogan oo uu ka mid yahay in mindiyo lagu durduray,iyada oo ay aad uga naxeyn dadka degan meel u dhow Guriga falkaasi uu ka dhacay.
Sioo kale Goobjoogaha ayaa waxa uu sheegay in Guriga Gabadha lagu dilay uu waxyar u jiro Saldhiga degmada Shibis,isla markaana xiliga Gabadha la dilayay uu ku sugnaa oday D’a ah balse uu jiifay
Waxa wararka qaar ay sheegayaan in Gabadhaas ka hor dilkeeda la kufsaday,iyada dadka deriska la’ah Cida ay Gabadhaas u Shaqeyneysay ay aad ula yaaban yihiin falkaan oo ah mid ka cusub degmada Shibis.
Xiriir ayaan la sameynay Maamulka Degmada Shibis si an wax uga weydiino balse kama jawaabin taleefoonadeena si aan uga helno xoogo dheeri ah.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Goobjoogaha.