Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Goordhow waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Itoobiya, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigaas ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide, waxaana Garoonka diyaaradaha Cigaal International kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.
Intaas kadib wafdiga Wasiir Axmed Shide ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Somaliland, iyagoo halkaas kulan kula qaadan doona Madax kala duwan oo ka tirsan Somaliland.
Weli lama oga Ujeedka ay Hargeysa u tageen wafdiga ka socda Itoobiya, hayeeshee warara la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayna kala hadli doonaan Arrimo kala dwuan.
Wafdiga ka socda Itoobiya ee Maanta gaaray Hargeysa ayaa waxaa uu socdaalooda uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor halkaas ay gaareen wafdi ka socday Masar, xili Dowladdaha Itoobiya iyo Masar ay ku muransan yihiin Biyo-xireenka Webiga Niilka.