Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Galmudug maanta ka furmay kal fadhiga afaraad ee xildhibaanada maamulka Galmudug.
Xildhibaanada aya u xaqiijiyay idaacada Dalsan in uu si toosa u furmay fadhiga Baarlamaanku hase’ahate mudanayaashu waxa ay sheegen in uu isku dayay in fadhiga uu hor istaago Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sida ay sheegeen diiday holkii ay ku shiri lahayeen in kasta oo meel kale ay u weeciyeen.
Dhinaca kalana gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo shir jiraa’iid ku qabtay Muqdisho aya sheegay in 45 cisho la fasaxay baarlamaanka Galmudug waxana xildhibanada qaar kood ay sheegen in isaga uu kayala muushin shirkiisa jiraa’iidna uu san sax aheyn.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka.