Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa War kasoo saaray dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay la galeen xubo ka tirsan Daacish, kaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.
Dagaalka dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Daacish ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada kala ah Tuurmasaale, amayra ee Buuraha Cal iyo Miskaat oo ka tirsan Gobolka, waxaana dagaalkaas inta uu socday ka dhashay Khasaaro kala duwan.
Qoraal kasoo baxay Ciidamada PSF ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, isla markaana ay ku jiraan Saraakiil sare isugu jira jira Soomaali iyo Ajnabi.
“Xubnaha laga dilay Daacish ayaa waxaa ku jira Saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi, uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale” ayaa lagu jiray Qoraalka Ciidamada PSF.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka PSF ka gubeen Daacish kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u farobadan, daawo, rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, waa sida hadalka loo dhigay.
Ciidanka PSF waxay ugu shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka Puntland ugu baaqdeen in ay ka qeyb qaatan sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhaca deegaano ka tirsan Puntland.