Waxaa lagu weday maanta oo Jimca ah magaalada Dhuusamareeb in uu ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda dowlad gobaleedyada dalka ka jira kuwaas oo ku wada sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Shirkaan oo ay mati gelinayso Galmudug ayaa ah kii ugu xaasisanaa ee yeeshaan madaxda dowlad gobaleedyada gaar ahaan xilligaan kala guurka ah,iyada oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga,doorashada iyo qodobo kale.
Warar lagu kalsoonaan oo ay heshay Idacada dalsan ayaa xaqiijinaya in uu dib u dhac ku yimid shirka oo lagu weday in uufurmo maanta oo Jimca ah,in kasta oo galmudug ilaa iyo haatan aysan shaacin sababta ka dambeysa dib u dhaca.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wada sugan madaxda dowlad gobaleedyada oo dhan,saacadihii ugu dambeeyana waxaa dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen dhinacyada.