Mudane Axmed Abul-qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa oo Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.
Xoghayuhu waxa uu isagoo ku hadlaya magaca xubnaha jaamacadda Carabta uga tacsiyadeeyay Xukuumadda Soomaalia iyo ehelada dadkii ku geeriyooday, wuxuuna kuwa ku dhaawacmay ilaaahay uga baryay inuu siiyo caafimaad taam ah.
Danjire Mahmud Caatiqi oo ah afhayeenka rasmi ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay Jaamacaddu ay ku gacan siinayso Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay uga jirto nabad ka soo dabaalidda dalka.
Sidoo kale Afhayeenku waxa uu mar kale sheegay kalsoonida ay Jaamacadda Carabta ku qabto awooda ay Dowladda Soomaalia u leedahay ka hortagga iyo ka guuleysiga weerarada ee noocan ah in kastoo ayuu yiri ( xiligaan ay Soomaalia wajahayso duruufo aad u adag) wuxuuna ugu baaqay bulshada caalamka inay laba laabaan taageerada Soomaalia ay u fidinayaan si ay dib u dhis ugu sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha Dowladda iyo sugida degenaashaha dalka.
Dhaanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga iyo Afhayeen u hadlay Culumada Al-Azhar Shariif ayaa iyana si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Todobaadkii hore laa beegsaday Xarumo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.
Waxayna cadeeyeen inay teegeero hiil iyo booba leh ay la baarbar taagan yihiin Xukuumadda iyo Shacabka Soomaliyeed sidii looga guulaysan lahaa nooc kasta oo fal sababi kara amnidarro.