Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo masuuliyiin kale oo heer gobol ah, si ay uga wada hadlaan khasaaraha ka dhashay roobabkii xooganaa ee xalay ka da’ay Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadka, iyo in si dhakhso leh loo qiimeeyo baahiyaha degdegga ah ee ay qabaan dadka ay dhibaatadu taabatay.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale booqdeen waaxda saadaasha ee SoDMA, iyagoo halkaas ka dhageystay warbixin horudhac ah oo la xiriirta xaaladda roobabka. Hay’addu waxay ballanqaadday in ay si degdeg ah u gaarsiineyso gargaar dadka ay waxyeelladu gaartay, islamarkaana ay dhawaan soo saari doonto warbixin rasmi ah oo faahfaahinaysa khasaaraha guud.