Dhageyso:-Xildhibaan Warsame Joodax”Duqa Muqdisho yuusan ku mashquulin Siyaasad ee amniga Caasimadda…

Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Shaqooyinkii loo xilsaaray uusan qaban,isla markaana taasi ay dhalilsay amnidarrada ka jirta Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga doonayo in uu ka Shaqeeyo sidii uu isugu xiri lahaa Laamaha kala duwan ee amniga,sida Booliska iyo Nabadsugida.

“Hadii sida ay tahay uu u Shaqeyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir,waxaan oo dhan naguma dhaceyn,balse waxaan rabnaa in aan maalin walba tacsi ku jirin Duqa Muqdishana uusan ku jeesan howlo Siyaasadeed balse uu ka Shaqeeyo horumarinta amniga ayuu yiri Xildhibaan Warsame Joodax.

Hadalka Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor weerar ismiidaamin ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Warsame Joodax.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor