Dabley hubeysan ayaa xalay waxa ay bariga Gobolka Mudug waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Xoolo dhaqato,kaas oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Xoggolof.
Dilka Ninka xoolo dhaqatada ah ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Urur oo u dhexeeya Magaalooyinka Afbarwaaqo iyo Salamaco Dheer oo isku jira 28Km.
Dad ku sugan deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in dableydii dishay Ninka xoolo Dhaqatada ah ay goobta ka baxsadeen.
Lama oga sababta ka dambeysa dilkaas balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inay la xiriirto aanooyin qabiil oo horay uga dhacay Bariga Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland weli wax faah faahin ah kama biixn dilkaas,waxana uu ku soo aadayaa xilli xalay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug.