Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowr mar digniin ka soo saaray qashinka iyo nadaafad darada ka jirta Xaafado ka tirsan Magalada Jowhar ee gobolkaas.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan in dadka Magalada Jowhar dhibaato ku qabaan nadaafad daro,isla markaana Xafaayadaha Carruurta ay dadka meel walba dhigeen.
Waxa uu sheegay in Shacabka degmada looga baahan yahay inay ka Shaqeeyaan Nadaafada Magalada Jowhar,waxaan uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in wadooyinka lagu soo daadiyo qashin ay cuduro farabadan ka dhashaan.
In ka badan 20 Ruux ayaa loo xirxiray nadaafad daro halka kuwo kale lagu ganaaxay lacag dhan 30o oo Shillinka Soomaaliga ah,waxana Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe uu wacad ku maray in la ganaaxi doono cidii kahor-timaada Nadaafada Magalada Jowhar.