(SAWIRO): Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu casuumay Shirka Madaxda Carabta ee lagu qaban doono dalka Urdun.

Madaxweynaha DFS ee xilka sii haya, waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha dalka Urdun ee Arrimaha Dhaqaalaha, ahna Wasiiru-dowlaha Maalgashiga, Jawaad Anani.

Wakaalladda Wararka Urdun ee PETRA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh loo gudbiyey Qoraal uu u soo diray Boqor dalka Urdun, Boqor Cabdalla Al-thani Ibnu Xuseen, kaasi oo ku casuumay Mdaxweynaha Somalia inuu ka soo qeyb galo Shirka Madaxda Carabta ee ay Dowladda Urdun marti-gelin doonto bisha Maarso ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Kulankaasi ayaa la sheegay in  looga hadli doonaa Xoojinta Iskaashiga iyo Midnimadda Dowladaha Carabta.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu k codsaday Wafdiga ka socday Dowladda Urdun inay salaam ka gaarsiiyaan Boqor Cabdalla Al-thani Ibnu Xuseen,  , wuxuuna ka mahad celiyey Taageeradda ay Dowladda Urdun u fidiso Somalia.


Xigasho: PETRA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor