Tigree-ga oo mar kale duqeyn Culus ka fulisay Magaalooyin ka tirsan Eritrea

Qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Asmara Dekemehari, Gemehalo iyo Nefasit ee dalka Eritrea, sida ay ku warrantay warbaahinta Maxaliga ee howlgasha Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay u muuqdeen weerar gantaalo ah oo dhanka TPLF ka yimid, mana jiraan wax qasaaro ah oo ilaa iminka la sheegay.

Safaarada Mareykanka ee Asmara ayaa muwaadiniinta u sheegtay in aanay guryaha ka bixin, waxaana ay safaaraddu ay bogeeda internetka ku qortay in qarax laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Dowlada Eritrea wali wax war arrintan kuma soo saarin, waxaana falkan uu daba joogaa labo isbuuc ka dib markii sidan oo kale maleeshiyaadka TPLF ay sheegteen 3 gantaal inay ku rideen magaalada Asmara

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media