Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliyeyaal Ciidan u Magacaabay Saldhigyada Booliska Degmooyin ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Matabaan loogu Magacaabay inuu noqdo Cabdifitaax Maxamed Jaamac, halka Daahir Faarax Axmed loo Magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Guriceel.
Sidoo kale Taliyaha Booliska dowladda ayaa Maxamed Axmed Shire u Magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.