Kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka oo Goordhow ka furmay Muqdisho

Waxaa Goordhaw Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii wadajirka ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u Shir Guddoominaya Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Kulanka Maanta ayaa ku furmay 171 mudane oo ka kala tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1-Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020-ka.

 

Comments
Loading...