Abiy Axmed oo shaaciyay inuu la kulmi doono Madaxda dalalka Somalia iyo Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea uu kulan kula qaadan doono Madaxweyneyaasha Eritrea iyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa uu ku sheegay in dhawaan uu dhici doono kulanka uu la yeelanayo Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Abiy Axmed ayaa waxaa uu sheegay in labada Madaxweyne iyo isaga ay ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan, In kastoo faah faahin intaas ka dheeraad ah uusan ka bixin.

“Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya, Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed C / llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta ah ee Asmara ay joogitaankeena farxad ka yeeli doonto.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Si kastaba Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku jira isbaheysi saddex geesood ah oo ay dhisteen, iyagoona dhowr jeer kulamo kala duwan yeeshay tan iyo markii uu heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media