Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Axad xukun Dil toogasho ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo ay horey Maxkamadda ugu riday xukun dil ah.
Askariga la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bakar Xasan, isagoona 27-kii Bishii November ee sanadkii 2019 dil toogasho u geystay xili habeen Askari lagu magacaabi jiray Siyaad Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland.
Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in Kiiskaa Marxuum Bakar Xasan uu soo maray fadhiyo kala duwan oo marqaatiyo watay oo ay Maxkamada samaysay.
Gashaanle dhexe Maxamed Axmed Yaasiin oo ah Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Jubbaland ayaa warbaahinta u Akhriyay xukunka Dilka ahaa ee Maanta lagu fuliyay Bakar Xasan.