Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qarixii 14 Bishaan ka dhacay Magaalada muqdisho kaas oo geestay dhimashada in ka badan 300, oo Ruux.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in dhibaatadii dhacday ay aheyd Musiibo ay dad anaga nala mid ah oo Wadankeena dhex jooga ay masuul ka yihiin kuwaas oo dano gaar ah leh.
“War wixii dhacay waa musiibo aan anaga dhexdeena isku geysanay iyo in aan anaga isku mashquulnay xaqiiqdii war waxba nooma taraayo in aan qeylino oo an baroordiiqno basle waxa ay u baahan tahay in siwadjir ah Culumo iyo dowladba ay ula dagaalamaan dadka cadawga ku ah Shacabka ee Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigayâ€
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in waxa mar walba dhacaya ay keentay habac sanaan ka jirta dalka iyo in aan anaga isku mashquulnay oo nagala faa’iidestay waxa uuna Shacabka kula dardaarmay ka hortaga Musiibo kale oo dalka ka dhacda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.