Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id Qadka taleefonka ugu qabtay ayaa dalbaday in la wada hadlo isla markaana Midnimada dalka laga Shaqeeyo.
Mudane xaaf,ayaa sheegay in isaga oo ka jawaabaya hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cadawga loo midoobo in isagu uu diyaar u yahay waxwalbo islamarkaana uu wadahadalo la geli doono dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in isaga kal hore uu sheegay in inta l isku mashquuli lahaa ay wansgan tahay in hareeraha la iska fiiriyo si aan looga faa’iideysan.
Horay ayaa Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug waxa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf, isaga oo arrintaasna ku eedeeyay in ay ka dambeyso dowladda Federaalka Soomaaliya taaas oo dhalisay in ay sii xoogeysato xiisadii u dhaxeysay Xaaf iyo Madaxda dowladda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.