Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka Bisha May 2019, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay 1 U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada, 2 Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel, 3 Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.
Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa,waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Maanta.
Kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay kulankooda 15-aad ee kalfadhiga 5-aad.