Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada Badda maamulka Puntland ee (PMPF) ayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku qabtay doonyo la sheegay in ay ahaayeen kuwa dadka lagu tahriibiyo.
Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha ku teedsan Magaalada Boosaaso waxa ay ku soo qabteen Ilaa iyo 8 doonyood,kuwaasi oo laba kamid ah ay yihiin nooca waa weyn.
Saraakiisha Ciidamada Badda ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Doonyahan loo adeegsan jiray in lagu tahriibiyo dadka .
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigayay doonyaha ay Ciidamada Badda Puntland soo qabteen ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay mid looga hor tegayo tahriibka sharci darada ah.
Puntland ayaa horey deegaanadeeda uga mamnuucay in dadka laga tahriibiyo,iyadoona Magaalada Boosaaso dhowr jeer Ciidamada maamulkaas ay ka sameeyeen howlgalo ka dhan ah dadka aada Tahriibka.