Dhageyso:-Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay waaberigii horey waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,kadib markii gaari halkaasi uu ku rogmaday.

Shilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii Gaari noociisu ahaa Dayno uu ku rogmaday duleedka deegaanka Godinlabe,waxaana ku geeriyooday 1 ruux,iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 qof oo kale .

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiray Darawalkii waday gaarigaas,Sida uu warkaan Magaalada Cadaado ugu soo diray Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee Jile Jaamac Jile.

  

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media