Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa ku dhawaaqday xiliga rasmi ah ee dib loo dhageysan doono Dacwadda Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa waxaa lsgu shaaciyay in 4-ta Bisha November 2019 dib loo dhageysan doono Dacwadda Badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamadda ICJ ayaa laba haneen kahor ku dhawaaqday inay dib u dhigtay mudo laba bilood ah dacwaddii xagga badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya.
Goโaankan dhawaan ka soo baxay Maxkamadda ICJ ayaa ka dhignaa in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay.