Madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan Magaalada Dubai

Warar ay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Somaliland Maanta uu ku wajahan yahay Magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Magaalada Dubai ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa,isla markaana waxaa la filayaan in  Saacadaha soo socda uu ka duulo Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu tego Dalka Imaaraadka waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda sare ee dilkaasi iyo xubno ka tirsan Madaxda Shirkadda DP World ee ku sugan Dubai.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Muuse Biixi inta uu ku sugan halkaasi Madaxda Shirkadda DP World uu kala hadli doono sidii loo dardar gelin lahaa howlasha shaqo ee DP World ka wado deegaanada Somaliland iyo balaarinta loogu sameynayo Dekadda wayn ee Magaaladda Berbera.

Waa Safarkii labaad ee Madaxweynaha Somaliland uu ku tegayo inta uu xilka haayo Magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media