Kulan gaar ah ayaa Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dhex maray Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Finish iyo safiirka Mareeykan u jooga Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto.
Duqa Muqdisho oo Safaaradda ku booqday Ambassador Donald Yamamoto waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xoojinta wadashaqeynta Dowladda hoose ee Xamar iyo safaarada Maraykanka, iyaga oo iska kaa shanaya Amniga Caasimadda, taageerada mashaariic horumarineed, arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.
Ugu dambeyntii Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia Ambassador Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Finish in uu maamulkiisa ku garab istaagi doono barnaamij kasta oo lagu horumarinaayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.