Sawirro:- Muhaajiriin Soomaali ay ku jiraan oo lagu qaabilay dalka Rwanda

Waxaa xaley dalka Rwanda soo gaaray 66 qof oo muhaajiriin kuwaas oo ku dhex go’doonsanaa dalka Libya.

Arrintani ayaa ka dambeesay markii Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR iyo dowladda Rwanda ay ku heshiiyeen in muhaajirintaas kooxdii ugu horreysay laga soo daabulo Libya.

Rwanda waxay ku aqbashay inay qaabisho in ka badan 500 qof oo muhaajiriin ah oo ku xayirnaa dhibaatooyinka ka taagan dalka Libya kuwaas oo isku dayay inay gaaraan Yurub.

“Waxaan si gaar ahaaneed ugu mahadcelineynaa shacabka Rwanda ee soo dhaweeyay muhaajiriinta” ayaa lagu yiri qoraal barta Twitter-ka ay soo gelisay ha’yadda UNCHR.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in kooxdan ugu horreysay ee muhaajiriinta ah ee soo gaaray Rwanda ay kamid yihiin carruur iyo hooyooyin, waxay qaar kamid ah dadkaas kasoo jeedaan geeska Afrika.

Waxaana kamid ahaa dadkaas hooyo soomaaliyeed iyo canugeeda oo 2 bilood dhalan , sida ay sheegtay UNHCR.

“Haddiya, waa gabar yar oo Soomaali ah oo 2 bilood dhalan, waxay ku dhalatay xeryaha muhaajiriinta ee Libya, berito waxay kasoo toosi doontaa goob ammaan ah oo ku taal Rwanda iyada iyo waaliddiinteeda” ayay tiri UNHCR.

Muhaajiriinta waxaa la geeyay xarunta Gashura oo dhacdo koonfurta magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ka badan 4,500 qof oo muhaajiriin ah oo ku sugan xeryo ku yaal Libya ay u baahan yihiin in si deg deg ah halkaas looga soo daabulo maadama ay noloshooda halis ku jirto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media