(SAWIRO): Lixda Xubnood ee maanta ku guuleystay Kuraasta Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose Barlamaanka.

Waxaa maanta dib loo bilaabay Doorashadda xubnaha Beelaha Waqooyi ku yeelan doonaan Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Doorashadda maanta ayaa waxay ka dhacday Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdisho, waxaana ku soo baxay 6 xubnoo oo 3 ka mid ah gabdho ah.

Xubnaha maanta la doortay ayaa kala ah:

  1. Ismaaciil C/raxmaan Bashiir,
  2. Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka, Cismaan Cilmi Boqorre,
  3. C/raxmaan Axmed Suge,
  4. Sucaada Aadan Axmed,
  5. Faadumo Ismaaciil Xuseen  ,
  6. Suuri Diiriye Carab

Doorashadda maanta ayaa lagu tilmaamay tii ugu adkayd, uguna xamaasadda badnayd, marka loo eego Wareegyadii hore oo lagu soo doortay 25-xubnood.

Tartanka xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka waxaa u harsan 21-xubnood.

Dhinaca kale, waxaan weli la bilaabin Doorashadda xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Sare Barlamaanka soo socda, sababo la xiriira Maamulka Puntland oo ku doodaya in saamiga Beelaha Waqooyi laga  siiyo 2-da xubnood ee loo qoondeeyey Goballada Sool iyo Sanaag.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor