Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka, ayaa baahisay Muuqaal Video muujinaya iyadoo ay Maleeshiyadda Daacish Hoobiyayaal ku duqeeynayo Gaadiidkii waday Shixnadda Samafalka ee ku sugnaa duleedka magaalladda Aleppo ee dalka Syria.
Muuqaalka waxa uu muujiyey Gaari ay Daacish leeyihiin oo laga ganayo Hoobiyayaasha nooca leh Dhumucda weyn ee meelaha fog lagu duqeyn karo.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Raashiya, Igoor Konashenkof ayaa sheegay in Diyaarad Drones ay qaaday Muuqaalkaasi oo si cad looga arkayo Maleeshiyadda Daacish oo ku soo dhawaanayso Kolonyadda Gaadiidka Gargaarka waday.
Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa rumeysan inay labo ka mid ah Diyaaradaha Dagaalka Raashiya ka dambeeyaan Duqeyntaasi oo lagu dilay 20-qof, laguna burburiyey 18 ka mid ah Gaadiidka Xamuulka ee Gargaarka u waday Aleepo.
QM ayaa joojisay Hawlihii Gargaarka ee ay ka wadeen Syria, kadib, markii la duqeeyey Gaadiidkaasi.
©Radio Dalsan