Ku-xigeenka Madaxa Adeegyadda Sharciga ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Kolonel Godard Businge ayaa sheegay in qaar ka mid ah Askartooda la xiray, lana soo taagay Maxkmadda Milliteriga, iyagoo ku eedeysan inay ku tacadiyeen Gabdho iyo Haween Somali ah.
Kolonel Godard Businga waxa uu tilmaamay in Askarta la xiray weli ay Dacwadooda ka socoto Maxkamadda Milliteriga ee Uganda.
Sarkaalkaasi ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan-shaqo oo looga hadlayey Tacadiyadda ay Askarta Uganda ka geysteen dalalka ay Colaadaha ka jiraan, sida Gobalka Harooyinka Waa Weyn ee Afrika (The Great Lakes Region).
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Wasaaradda Difaaca Uganda bilowday baaritaan, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay Warbixin sannadkii 2014-kii oo muujinaysa inay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku tacadiyeen Gabdho yar iyo Haween Somali ah.
Baaritaanka Human Rights Watch ayaa lagu sheegay inay wareysteen 21 gabdho iyo haween Somali ah, kuwaasi oo sheegay inay kufsadeen, kuna xad-gudbeen Askarta Uganda iyo Burundi.
Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Askarta AMISOM isticmaalaan Xeelado kala duwan oo ay u sheegaan haweenka in la siinayo Gargaar, Biyo iyo Daawooyin, kadibna ay kufsadaan.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankunda iyo Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Ciiddanka Uganda (UPDF) ayaa sheegay inaysan rumeysnayn in ay qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawkgalka AMISOM kufsadeen ama ku xadgubdeen gabdho iyo haween Somali ah.
©Radio Dalsan