Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee Covid 19, agaasimaha ayaa sheegay in 5 maalmood ee la soo dhaafay ay sara ukacday dadka laga helayo xanuunka ayna gaartay 54 qof, dadka xanuunka laga helay ayaan kala jooga dhamaan gobolada Puntland.
Agaasimaha ayaa ka hadlay talaabooyinka ay qaaday wasaaradda oo ka mid ah in la kordhiyay xarumaha dawaynta iyo karantiilka ee ka furan gobolada lana gaarsiiyay 15 xarumood oo ku kala yaala 9 gobol ayna udhamaytireen adeegyada looga baahanyahay iyo xirfadlayaal caafimaad oo aqoon uleh.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa xusay in ay korortay maalmihii la soo dhaafay dadka soo wacaya xarunta call Centerka kuwaasi oo ka cabanaya xaalado caafimaad ama iskaga shakisan.
Agaasimaha ayaa guddiga wasiirada ah ee wacyigalinta uga mahadceliyay talaabooyinka ay qaadeen iyo amarada ay soo saarayeen khamiistii hore, waxaa sidoo kale uu uga mahadceliyay guddiga KMG doorashooyinka Puntland inay dib udhigeen isku soo baxyada iyo shirarka ay lahaayeen si looga hortago fiditaanka xanuunka.