Waxaa Degmada Xudur ee gobolka Bakool lagu soo gabgabeeyey Shir ku saabsanaa wadatashi la xiriiray wareegga Labaad ee Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka.
Shirkaasi ay si wada jir ah uqabanayeen Wasaradaha Qorsheynta Dowladda dhexe iyo tan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya,iyadoo intii uu soocday waxaa siweyn loo falan qeyeey sidii loga wad shaqeyn lahaa ka qeyb qaadashada qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa Radio Muqdisohu wareysi uu siiyey waxaa uu kaga hadlay waxyaabaha Shirkaas looga hadlay,wuxuuna sheegay in najitooyin wax ku ool ah ay ka soo bexeen shirkaasi.
Sidoo kale shirkan waxaa uu qeyb ka yahay shirar wadatashi ah oo si isku mid ah uga socday gobolada dalka Soomaaliya si bulshada looga talageliyo qorshaha horumarinta Qaranka oo ah kii sagaalaad.