Dhakhaatiirta Qaliinka ee Machadka Kirishna ee Daaweynta Sayniska (KIMS) ee dalka Hindiya ayaa sheegay inay  ku guuleysteen Qaliin ay ku sameeyeen  Bukaan Soomaali ah oo lagu magacaabo C/kariim Yuusuf oo 73 jir ah.
Bukaanka ayaa la sheegay in laga keenay Somalia, kadib, markii ay dhaawacyo ka soo gaareen Sinta,
Ehelkiisa ayaa laga soo xigtay inuu Bukaanka iska ahaa Bukaan-jiif, tan iyo markii dhaawaciisa loo soo qaaday dalka Hindiya.
Dr Uday Krishna Myneni oo ah Dhakhtarka Lafaha ee Machadka fuliyey qaliinkaasi ayaa sheegay inay Bukaanka Soomaalida oo qaba Cuddurka Macaanka lagu sameeyey Qaliin, isla markaana uu haatan awooday inuu si caadi ah u socda.
Waxa kale oo uu sheegay inay Bukaanka ka daawaynayaan Kansarka Qoorta, waa sida uu hadalka u dhigay.