Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA gaar ahaan kuwa ku sugan Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa soo saaray Amaro Cusub oo ku socda dhammaan dadka kala iibsanayo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee halkaas ku sugan.
Dadka kala iibsanaya gaadiidka ee ku sugan Degmada Guriceel ayaa waxaa lagu amray inay laamaha amniga gaar haana Taliska nabadsugida ku soo wargeliyaan hadii la iibiyo gaadiid, si looga looga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado.
Sidoo kale Amarkaan uu soo saaray Taliyaha NISA ee Guriceel Maxamed Gaanyaco ayaa waxaa lagu sheegay in iibsadaha iyo qofka laga iibinayo gaadiidka uu warqada kala wareejinta ka qaataan Taliska NISA ee Guriceel, isla markaana uu caddeyo inuu la wareegay Mas’uuliyada gaariga.
“Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogeysiiyaan laamaha Amniga gaar ahaan Taliska Nabadsugida si looga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado , iibsadaha iyo qofka laga iibinayo ayaa lagu wargalinayaa in ay warqada kala wareejinta ka qaataan Taliska NISA ee Guriceel isla markaana iibsaduhu cadeeyo in uu la wareegay masuuliyada gaariga si lagula xisaabtamo dhib kasta oo gaarigaasi lagu geysto “ ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliye Maxamed Gaanyaco
Ugu dambeyn Amarkaan kasoo baxay Taliska NISA ee Degmada Guriceel ayaa waxaa lagu shaaciyay in ciddi fulin weyda amarkaas ay wajaheyso Ganaax leh xarig iyo Ciqaab kale.