Al-shabaab oo la wareegay deegaan kale oo ku yaalla Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceel-Cadde ee ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

La-wareegida Al-shabaab ee deegaanka Ceel-Cadde ayaa timid kadib markii ay weerar ku qaadeen halkaas oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciidamo deegaanka ah oo iskood isku abaabulay, waxaana deegaanka ka dhacay dagaal kooban oo muddo socday.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya inay arkayeen rag ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka uu gudaha u soo galaya Ceel-Cadde oo qiyaas ahaan 55-KM u jira Magaalada Baladweyne , isla markaana haatan halkaas ay ku sugan yihiin.

Shalay ayay aheyd markii Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Farlibaax oo 45 KM u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Ciidankii dowladda ee ku sugnaa.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan la wareegida Al-shabaab ee deegaanka Ceel-Cadde ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media