Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maamul u cusub u magacaabey degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Awdheegle loogu magacaabay inuu nqodo Cabdullaahi Cismaan Abuukar, halka Gaabow Bulle Xasan laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Awdheegle ayaa loo magacaabay Saalax Cabdi Asoow, iyadoona Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaas laga dhigay Maxamed Siyaad Axmed.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Abukar Maxamed Cali u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha dowlada hoose ee Awdheegle.