Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta waxay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hogaaminayo Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.
Komishanka Doorashooyinka waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaargarowga doorashada, KDQ waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan Liistada Codbixiyayaasha Kama-baysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.
Komishanka Doorashooyinka waxay ka codsadeen Safiirka iyo dawladda Sweden innay ka taageeraan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.