Mahad C/Casiis C/raxmaan oo 20-jir ayaa lagu soo oogay inuu habeenkii Axadda ee la soo dhaafay 2 qof ku dooxay Dhismaha Ganacsiga ee Mall of America oo ku yaalla magaalladdaMinneapolis.
Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen inuu Eedeysanaha dhaawacay raggaasi, kadib, markii ay ka joojiyeen Hanti Khaas ah oo uu ka soo xaday Qolka Labiska ee Carwadaasi.
Taliyaha Boliska Bloomington, JEEF BOOTIS ayaa sheegay in Baaritaan  hordhac ah lagu ogaaday inuu Eedeysanaha tooreey ku dhuftay mid ka mid ah Dhibanayaasha oo uu ka xadi lahaa Hantidiisa Gaar ah oo uu kaga soo tegay Qolka Labiska.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Eedeysanaha uu dhaawac fudud soo gaaray markii ay Dhibanayaasha garba-duubka u qabteen, kana dhigeen Mibndidii uu watay.
Si kastaba ha ahaatee, Eedeysane Mahad C/casiis C/raxmaan ayaa lagu soo oogi doonaa 2 fal-dembiyeed ee Isku-day heerka Koowaad ee Weerar dhinaca Jirka.